Posts

DHibaatada somalida, iyo xalka looga bixi karo

Walaalahayga  Soomaaliyeedow Markaan qalinka qaatay si aan wax u qoro, qalbigayga ayaa murug ku jira, faruhuna gariir ayay la qabaan. Ma aha kaliya in aan ka hadlo xaqiiqooyin siyaasadeed, ee waa qayladhaan qalbi Soomaaliyeed oo ka ooyaya waxa dalkiisa ka dhacaya. Soomaaliya maanta ma ahan dalkii aan filaynay, dalkii aan ku riyoonaynay, dalkii halgankii iyo dhiiggii loo huray. Waxaa noo haray magac, calan, iyo dad isku dilaya magacaas darteed. Soomaaliya: Dagaallo Aan Dhammaan, Dad Aan Barwaaqo Arag Inta aan noolahay, waxaan arkay burbur, barakac, iyo dhiig bax aan joogsan. Waxaan arkay ilmo yar oo ku dhimanaya rasaasta uusan garanayn cidda riday, hooyo ilmo ka dhiman oo maydka cunugeeda ku gubaysa bac, aabbe lagu hor dilay carruurtiisa hortooda. Maalin walba waxaa na soo gaaraya warar laga argagaxo – meel baa la qarxiyay, meel baa la weeraray, meel baa la kala qaxay. Waxaa la inaga dhigay dad naftiisa kaliya ka fikira, qabiil difaacda, koox taageera, balse aan marnaba is weyd...